Monday, April 8, 2024

Abdulkadir Sugal Photo, PMP,

Abdulkadir Sugal

Horn To World Travel And Cargo Agemcy

Abwaan Mohamed Sugaal Geele With His Friend

Burao Council District Act 1957

Click Here 
Burao Council District 1957 Act

Xeerka Tamarta Somaliland 2020

Erayada Heesta Cilmi. Abwaan Maxamed Sugaal Geele

Waa Hees Cilmi Ah Oo Uu Alifay Abwaanka Wayn Ee Maxamed Sugaal Geele Diiriye
iyo Codkii Cabdirashiid Cali Xamari
Laxankii Mustafe Kiiko
Isku Duba-Ridkii Maxamed Jaamac Dhiif 
Oslo Norway

https://youtu.be/FJ2X3jwpiZw?si=esMb1iGBGxR8cnsT
Erayada: 

Cilmaaaa
Cilmaa Lagu Dawoobaa
Dabka Lagaga Baydhaa
Dekenada Ku Garataa
Dadnimada Ku Barataa
Dusha Sare Allaa Jirra
Daafaha Warbaa Yaal
Dadka Loogu Talo Galay
Nin Lahow, Nin Lahowba
Daydayo
*************************
Duuduubka Muruqyada
Hilbahaa Dubaaxdaa
Dubka Sare Ku Soo Dega
Durdurada Hal-bawlaha
Dun-Dhulkay Wadaagaan.
Duuduubka Muruqyada
Hilbahaa Dubaaxdaa
Dubka Sare Ku Soo Dega
Durdurada Hal-bawlaha
Dun-Dhulkay Wadaagaan.
Digto Kii Ay Dhaaftaba
Waa Waxay U Duugaan
Cida Loogu Darayaa
Dibna Loogu Celiyaa
Waase Ul Iyo Diirkeed
Waase Ul Iyo Diirkeed
Digto Kii Ay Dhaaftaba
Waa Waxay U Duugaan
Cida Loogu Darayaa
Dibna Loogu Celiyaa
Waase Ul Iyo Diirkeed
Waase Ul Iyo Diirkeed

Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
***********************
Adoon Meelna Daarayn
Doodeena Sheekada
Cunuhu Waa Durbaankii
Carabkaa Weedha Kala Dira
Codkii Oo Dayaan Wado
Adoon Meelna Daarayn
Doodeena Sheekada
Cunuhu Waa Durbaankii
Carabkaa Weedha Kala Dira
Codkii Oo Dayaan Wado
Dibnuu Debada Geeyaan
Dheguhuna Ka Duubaan
Onkod Kaa La Daawaa
Damac Iyo Cabsiba Wada
Waana Deeq Ilahay
Waana Deeq Ilahay
Dibnuu Debada Geeyaan
Dheguhuna Ka Duubaan
Onkod Kaa La Daawaa
Damac Iyo Cabsiba Wada
Waana Deeq Ilahay
Waana Deeq Ilahay
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa

***** ****** **********
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
**********************
Ku Danaysta Mooyee
Miyaan Hoosba Loo Deyin
Diinteenu Siday Tidhi
Dhulku Waaba Degi Laa
Amase Waaba Dumi Laa
Ku Danaysta Mooyee
Miyaan Hoosba Loo Deyin
Diinteenu Siday Tidhi
Dhulku Waaba Degi Laa
Amase Waaba Dumi Laa
Buurahoon Dul Saarnayn
Jidhkna Daymo Iyo Qurux
Dalag Lagu Adeegtiyo
Dawliil Ma Yeeshaan
Lafahoon Ku Daabnayn
Lafahoon Ku Daabnayn
Buurahoon Dul Saarnayn
Jidhkna Daymo Iyo Qurux
Dalag Lagu Adeegtiyo
Dawliil Ma Yeeshaan
Lafahoon Ku Daabnayn
Lafahoon Ku Daabnayn
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
***********************
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Waxaad Cadhada Demisaa
Nefis Aad Dareentaa
Markaad Diinta Baratee
Dar Ilaahay Oydee
Ilmo Kaa Dareertee
Waxaad Cadhada Demisaa
Nefis Aad Dareentaa
Markaad Diinta Baratee
Dar Ilaahay Oydee
Ilmo Kaa Dareertee
Dhulna Wuxu Daryeelmaa
Dacaskiyo Abaaraa
Belo Laga Dul Qaadaa
Cirku Dabacsanaadaa
Marka Dayr Raxmaadkiyo
Dambarsamahu Hooraa
Dhulna Wuxu Daryeelmaa
Dacaskiyo Abaaraa
Belo Laga Dul Qaadaa
Cirku Dabacsanaadaa
Marka Dayr Raxmaadkiyo
Dambarsamahu Hooraa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
***********************
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa

DHAMAAD

Wednesday, February 7, 2024

SABABTA WIIQDAY KOOXAHA KUBADA CAGTA GOBALKA TOHDHEER, SANADADII KA DAMBEEYEY 2011

Dhacdooyinka Qaar, Waxaan Shabakada Dhacdooyinka Qaar Ugu Hal Qabsaday, Madaama Oo Shabakadu Tahay, Mid Soo Tebisa Warar Kala Duwan Oo Xaqiiqi Aha, Oo Dunida Dacaladeeda Ka Kala Socda, Gobalka Togdheer, Waa Gobal Wararkiisa Si Khaas Ah Looga Heli Karo Shebakadan Dhacdooyinka Qaar, Weliba Dhinaca Ciyaaraha Kala Duwan.

Madaama Oo Ay Shabakadan Dhacdooyinka Qaar Ay Si Gaar Ah Ugu Faalooto Soona Bandhigto Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobalka Togdheer, Magaalada Burco 

Waxaan Jeclaystay Inaan Isbarbar Dhig Kooban Oo Ku Saabsan Kubada Cagta Gobalka Togdheer Intii U Dhaxaysay 1998 Ilaa Maanta Oo Ah 2024 La Wadaago Shabakadan Dhacdooyinka Qaar.

Intii Ka Dambaysay 2008
Sidaan Filayo Kubada Cagta Somaliland, Tartankii Koobka Gobalada Somaliland Ee Ka Qabsoomay, Magaalada Burco Ayaa, Kubada Somaliland Lagu Soo Kordhoyey, Daawashada Iyo Duubista Sida Tooska Ah, Loo Daawanayo.
Kooxaha Togdheer Ilaa Iyo Tartankii Ka Qabsoomay Garoonka Alamsay, Sanadku Markuu Ahaa 2011, Ilaa Maanta Oo Ah 2024, Waxay Ahaayeen Kooxo Aan Awood U Lahayn, Sida Magaca Gobalka Ay Sitaan U Wayn Yahay.

Maxaa Sababay?
Inta Aynaan Sababta Baadhin, Waxaynu Dib U Yara Eegaynaa, Kooxihi Kubada Cagta Magaalada Burco Intuu U Dhaxaysay 1998 Ilaa 2007, Siday Ahaayeen.

Kobaca Iyo Taranka Ama Adkaysiga Ciyaaryahanku Ma Ahayn, Mid Ka Bilaabmi Jiray Gudaha Garoonka Alamsay, Mana Ahayn Mid Markiiba Lugaha Lasoo Gelin Jiray, Garoonka Wayn Ee Alamsay Studium.
Waxa Jiray Garoomo kale Oo Ahaa Warshado Kala Duwan Oo Soo Saari Jiray, Ciyaar Yahanada.

Garoomadaa Oo Ahaa Kuwo Lagu Soo Dhuux Iyo Cidiyo Dhamaado, Laguna Soo Bandhigi jiray Wareegyo Ay Lahaayeen, Heerka Sadaxeed Ee Kubada Cagta, Sidoo Kale Kooxaha Heerka Labaad  Iyana SIdoo Kale Warshado U Khaas Ah Bay Lahaayee.

Hadaan Wax Ka Xuso, Garoomadii Ugu Muhiimsanaa, Ee Ciyaartooyga Soo Saari Jiray.
Waxa Ka Mid Ahaa:-

Kooxaha Heerka Labaad
1. Garoonka Axmed Deeq
2. Garoonka Saylada
3. Garoonka Dakharle

Garoonkii Axmed Deeq Hada Waa Xaafadan Burco Plaza

Kooxaha Heerka Saddexaad
1. Garoonka Hawlaha-Guud
Oo Raga Kala Duwane Wareegyo Ku Kala Qabsan Jireen, Waxase U Badnaa (Siciid)

2. Garoonka Boodhle
3. Garoonka Bayle
Bayle Waxa U Badnaa Oo Wareegyo Ku Qaban Jiray Cabdi-Guray
4. Garoonka Saylada.
5. Garoonka warshada Galayda

Waxa kaloo Jiray Garoomo Badan Oo Imika Aanan Wada Xusin

Dhamaan Garoomadaasi Waxay Ahaayeen Warshado Soo Wada Saara Ciyaartooy Mid Waliba Halkiisa Ku Haboonyahay
May Lahayn Burco, Is Amaanis Degdeg Ah, Sidan Maanta Oo Kale.

SABABTA WIIQDAY KOOXAHA BURCO SANADADII  KA DAMBEEYEY 2011

Sida Anigu Aan Kusoo Uruuriyey Waxa Weeye Qodobadan Hoose.

1. Garoonka Alamsay Studium, Oo Hore Loo Galay, Iyadoon Ciyaartoygu Aanu Kusoo Cidiyo Beelin Garoomadii Kale Ee Warshadaha Ahaa

2. Wareegyadii ka Qabsoomi Jiray  Garoomada kale Ee Aan Alamsay Ahayn Oo Aan Jirin

3. Garoomadan La Yidhi Waa Roog Ee Yaryar, Oo Iyaguna Soo Koobay, Hafta Bixii Iyo Miiganaantii Xawaaraha Ciyaartoyga

4. Gabaw Qalbiga Ah, Oo Inankastaaba Markuu Hal Wareeg Ciyaaro Iska Aaminayo,Inuu Gaboobay, Oo Aanu wareeg Kale Ciyaarayn, Isagoo isagu Iskiisa u Aaminay Inuu waynaaday, Isagoon Gaadhinba 20 jir.
Maanta Ma Arkaysid, Ciyaaryahan,  laba Sano Oo isku Xigta U Saftay Gobalka Togdheer, Halka kooxaha Hargaysana Laga Soo Heli Karo Lodkii La Wakhtiga Ahaa, Xuseen Wacaf Ama Quule Oo Kale, Ileen Waraabe Gaboobay Laba Iyo Toban Dhidar Buu Isku Dhaamaaye, Halkee Bay Caruurtan Yaryari Burco Gaadhsiin

5. Facebook Iska Amaan Degdeg Ah, Inankii Oo Aan Guul Uu Keeno Daayoo, kubada Aan Taaban, Baa la Iska Xayasiinayaa.
Waxaan Xasuustay, Cali DuulDuul, Oo In Badan Kooxda Dayax Ahaa, Mudo Ka Badan 6 Sanona, Bedel Baasha Difaaca Bidix Aha, Marka Ay dayax Goolal Badan Leedahay Uun Lasoo Gelin Jiray, Ugu Dambayntii Cali Duul-Duul Wuxuu Noqday, Ciyaartoygii Ugu Wacnaa Baasha Weerarka Bidix Ee Wakhtigaa 

6. Bulshada Magaalada, Khaasatan Ganacsatayaasha Burco Oo Kubada Ka Aaminsan, Lacaab, Iyo Waxaan Loo Baahnayn, Halka Kooxaha Hargaysa Kuwooda Ugu Da'ad Yaryari, Ay Ku Ciyaaraan Magac Meheradeed, Meheradaas Oo Uga Adag Qarashka Garamada

7. Maamulka Xafiisyada Dawlaga Ah Ee Burco, Malaha Dhawr kooxood Baa Ku Ciyaarta Magac Wasaaradeed Magaalada Burco, Kuwaasina Naf badan Kuma Hayaan, Oo Malaha Awood Iyo Itaal Ay Inamada Ama Kooxda, Wasaarada Uu Burco Masuulka Uga Yahay U Jari Karaan, 

Haday kooxdu Wax Uga Baahato, Wasaarada Ay U Ciyaaraan, Intaan Dalabka Kooxdu Soo Gaadhin Xarunta Wasaarada Hargaysa, Waxa Iska Hortaagaya Masuulka Burco U Jooga Wasaarada, Oo U Yaqaana Hadii Baahi Badan Loo Gudbiyo Wasiirka Wasaarada In Isaga Xilka Laga Qaadayo.

Dhamaan Kooxaha Heerka Koobaad Iyo Heerka Labaad Iyo Heerka Sadexaad, Qaar Ka Mid Ah, Ma Jirto Koox Aan Ku Ciyaarin Magac Wasaaradeed
Gunadooda Iyo Mushaharkooduna Aanu Meel Wacan Saarnayn.

Intaasaan Caawa ku Hakinayaa, Waxaanan Qoraalkan Kusoo  Uruurinayaa, Burco May Ciyaartooy Waayin, Ee Qaabka Ayaa Ka Qaribnay, Intaasna Waa Inaynu Saxnaa

NABAD-GELYO
BURCO GUULAHA, WAY U GAAMURTAA,

Tuesday, February 6, 2024

BURAANLE, DHUQ-DHUQLE IYO DOORO-LEMANLE. Magacyada Meelaha Wax Laga Cuno, Oo Af-Soomaali Ah. Waxa Ka Sheekeeyey, Xaaji Maxamed Sugaal Geele

Xaaji Maxamed Sugaal Geele, Ayaa Igu Yidhi, Waxaan Ku Garaadsaday, Magaalada Burco Iyo Kuwa Kale Ee Somaliland Ba, Meelaha Wax Laga Cuno, Iyadoo Loo Kala Yaqaano Sadex Magac Oo Kala Sareeya.
Oo Kala Ahaa:-
1. BURAANLE
2. DHUQDHUQLE
3. DOORO-LEMANLE

BURAANLE.
Waa Meesha Lagu Hayo Ama Lagu Sameeyo, Hilibka Iyo Bariiska Wada Socda.

DHUQDHUQLE
Waa Meel Leh Laba Digsi Oo Waa Wayn, Digsi, Waxa Ku Jira Maraq, Laga Bixiyey, Lafo La Kariyeye
Iyo Digsi Bariis Lagu Karinayo.
Dalabka Laga Helayaana, Uu Noqonayo Bariis, Maraq Dusha Lagaga Darayo.

DOORO-LEMANLE
Waa meel Iska Ba'yas Ah, Oo Yaalaaba Nin Xayraan Ahi Dhex Taaganyahay, Badanaana Bariis Baari Ah Iyo Hambooyin, Laga Soo Uruursaday, Buraanlaha Ayaa Lagu Iibiyaa.
Cida Ugu Badan Ee Macmiilka U Ahina Waa Dabaajirta, Iyo Tuugta.
Dooro-Lemanluhu Lagama Dhex Furi Jirin Magaalooyinka Dhexdooda, Badanaa Waxa Lagu Arki Jiray Uun, Meel Koonayaasha, Weliba Dhanka Dixda, Oo Ay Ku Badnaan Jireen, Tuugta Iyo Dib-Jirka

Magacan Hudheel Ee Hada La Isticmaalaana Ma Jirin , Sababtoo Ah Dadku Af Uu Leeyahay Ayuu Ku Hadli Jiray.

Waxa Kale Ee Uu Ii Raaciyey, Meelaha Hurdada, Ama Hotel Ka Wax Magac Soomaali Ah Looma Yeelan, Oo Loomaba Baahan, In Meel La Seexdo, Oo Lacag Laga Bixiyo, Madaama Oo Dadku Ahaa Dad Martida Hooya, Oo Qoyska Kasta Oo Meel Yaalaaba Diyaar U Yahay, Inuu Martida Sooro Isla Markaana Hooyo

Monday, August 21, 2023

Horn of Horn of Africa Welfare Development Organisation

 

Horn of Africa welfare and development organization (Hawdo) was established to promote any charitable purposes for the benefit of the community living in the Horn of Africa, provides, advice, guidance, and practical assistance to regarding, Health, Education, employment and training, Human rights, And environment protection. Safety and security, and an other areas of community development.
Hawdo act swiftly in the event when an emergency strikes such as severe droughts, floods etc. Crops and animals die due to these natural disasters, by providing emergency relief and helping those affected immediately. Provide life-saving food, water, shelter, medicine and toiletries to families who have lost everything and after situation back to normality continue providing them necessary assistance to rebuild their shattered life
Hawdo provides practical help and support for those poorest and most disadvantaged members of the community during the blessed month of Ramadan to lift them out of poverty and despair and distribute them Qurbani meat, especially for those most hard to reach community who are suffering in silence. Hawdo contributes towards the reconstruction and redevelopments of the countries public own institutions, such as hospitals, schools, colleges, universities, Roads, ports etc. By collecting necessary equipments and facilities from international donor organizations/institutions and deliver directly to those said institutions in need to build their capacity to meet the public needs

Hawdo will develop effective sustainable development that will enable community to:-
• Access free health care and education including vocational skill training programme
• Provide mentoring programme for children and newly graduated members as well as other graduates with significant employment gap. By empowering them with knowledge and skills that would enable them to compete confidently in the current employment market condition
• To develop effective strategy plans to tackle with the problems of orphan and displaced children (known by street children) separated from their parents by extending love and care too alleviate their severe human suffering and helped them overcome their social chaos and rebuild their shattered lives.
• Hawdo intends to establish homes/centre, developing free primary health care system and appropriate rehabilitation programme, including trauma counseling.
 Hawdo helps prevent drug related problems and anti Social Behaviors
• Hawdo provides advice, information, and guidance on imported commodities and promote and publicize educational literatures and materials aim
• ed to raise public knowledge and awareness on all imported commodities especially food and drinks
• Hawdo collates information, conduct researches to assess those most urgent and priority needs within the vicinity of basic human rights requirements, such as health, education and to extent of human rights violation
• Hawdo promotes equality of opportunities within the communities
• Hawdo provides advice and information on environmental protection

VISION

Hawdo strives to alleviate human suffering and building self reliant communities through development capacity to achieve sustainable live hood.

MISSION

Hawdo objectives is to promoting any charitable purposes for benefit of inhabitants living in the horn of Africa through empowering communities, groups, and individuals on all aspects of developments, particularly enables , them to mitigate the effect of reoccurring droughts that destroys their belongs and respond it appropriately by providing relief, protection and recovery.

VALUES

We believe the protection and well being of every life is of paramount importance and we shall join with other humanitarian actors to act as one in responding to suffering brought on by disasters, poverty and injustice.


Contact Address 

Address: Shacabka Hargeisa Somaliland
Email: Info@hawdo.org 
Website: www.hawdo.org 

Wednesday, July 26, 2023