Saturday, August 10, 2024

Tuesday, July 23, 2024

Xeerka Tamarta Somaliland, Xeer 2020 Lr 81/81 Somaliland Energy Act 2020. waa xeerka idiin dhaxeeya adiga iyo shirkadaha laydhka

YAA IDIN DHAXEEYA ADIGA IYO SHIRKADAHA LAYDHKA SOMALILAND.





Hadaada tahay macmiil isticmaala laydhka somaliland, ama aad rabto inaad noqoto ganacsade bixiya adeega laydhka iyo macdanta somaliland, waxa muhiim ah inaad taqaanid xeerka tamarta somaliland.

Maxaad ku garan taa in shirkada laydhka ee gurigaaga ama ganacsigaagaa laydhka siisaa, inay kaa khaldantahay iyo inaad ka qaldantahay.

isla xeerkan gudihiisa waxa ku xusan, qodobada idin dhaxeeya adiga iyo shirkada laydhka, waxa aad arki doontaa hadii laydhka gurigaaga shirkadu kaa jartay, inay martay shuruudihii aad ku mutaysanaysay in laydhka lagaa gooyo iyo in kale

sidoo kale waxaad isla xeerka ku arki doontaa cidii idin garnaqaysay adiga iyo shirkada

Gudidad Komishanka Tamarta Qarranka 

waxa jira guddi heer qarran ah, oo la yidhaahdo komiishanka tamarta, waa gudii u xil saaran inay dhexdhexaad u ahaato macmiilka iyo shirkadaha 


Hadaba Halkan Hoose Waxa Kuugu Diyaarsan Xeerkii Oo Dhamays Tirran.

Thursday, May 16, 2024

Maanso 18 May

Sideed-Tobankiyo, Samow, MAY-duba
In Loo Subciyoo, Qurraan Lagu Sug'go
In Aan, Saligiyo, Wardiga Laga Socon,
In Loo Samra'oo, Gacmaha Sarre Iyo
Samada Loo Filo, Wixii Alle Siin, 
Cidii Sugtay Bay, In Uun La Sed Noqon

In Loo Sara Kaco, Sintana Loo Ruxo, 
Durbaan Lagu Sabo, Caruurta Saqlaa, 
Haween Susumaan, 
Dadkuba  Sawir Uun, Lasoo Selelaan 
Hadeer Saniftoo, Bishuba Saxatee
Miyaad Ku Sumayn, Waxaan Sola-hayn
Oo Aan Si Ahayn!! Subxaana Cadiim!!

Markay Sellantahay, Dadkaa Sababtee
Hadii Calankeenu, Milgooy Sama Waayo
Tawxiidka Dul-Saaran, Hadaan Laga Saahin
Wixii Alle Saafay, Dadkiisa Ka Soon-shay
Waxaa Sugan Weedha, Quraanku Sifeeyey
In Loo Siqi Doono, Cadaabta Siraadan
Ifkana Sahankeenu, Waqii Socon-Maayo
Iblays Surrinkiisa, Ayaa Sakashaadu
Socdaal U Martaay, Haw Moodin Saxnaanba!
Muuqaalkan Sawaaban, Ee Aad La Silcayso.

Sibaa La Noqdee, Allow Saxarkeeda, Isheeda Na Seeji, Sabaanta Na Dhaafi.

Kulayl Sooma-Haadleh, Idihu Saran-Seerka
Sedkay U Baxaane, Rabbow Sumalkeeda
Hogaanka La Saaray, Ka Seeri Kaliisha
Haraad La Surmaayo, Inuu Saxariirka 
Dhashiisa Ku Saydho!!

Monday, April 8, 2024

Abdulkadir Sugal Photo, PMP,



























Abdulkadir Sugal

Horn To World Travel And Cargo Agemcy

Mohamed Sugal Gelleh Deria With His Friend In USA 1980st

Mohamed Sugal Gelleh (Left)
mohamed sugal gelleh (right) and his friend 














XEERKII UGU HOREEYEY EE GOLAHA DEGMADA BURCO LAGU DHISAYEY (Burao Council District Act 1957)


XEERKII GOLAHII U HOREEYEY EE DEGMADA BURCO  LAGU DHISAYEY.

MAGALAADA BURCO AMA DEGMADA BURCO WAA DEGMO FAC WAYN OO IN BADAN SOO JIRTAY, QIYAASTII MAGAALADA BURCO WAXAY AASANTAY QARNIGII 18AAD DHAMAADKIISII, WAXA SI WACAN LOO DEGMEEYEY BILAWGII QARNIGII 19AAD, HILAADII 1900,

HAKAN HOOSE WAXA KUUGU DIYAAR AH, XEERKII KOOBAAD EE LAGU SOO DHISAYEY GOLAHII DEEGAANKA EE DEGMADA BURCO 1957.

SI AAD UGA BOGOTO QODABADA XEERKA DEGMADA BURCO EE 1957 

FADLAN GUJI LINKAN HOOS KUGU YAALA

Burao Council District 1957 Act


KU XIDHNOW BLOG GAN HADAAD XOG DOON TAHAY IYO XAQIIQADA TAAGAN 


ADIGA IYO SHIRKADAHA LAYDHKA YAA IDIIN DHEXEEYA ? ( Xeerka Tamarta Somaliland 2020)

Erayada Heesta Cilmi. Abwaan Maxamed Sugaal Geele

Waa Hees Cilmi Ah Oo Uu Alifay Abwaanka Wayn Ee Maxamed Sugaal Geele Diiriye
iyo Codkii Cabdirashiid Cali Xamari
Laxankii Mustafe Kiiko
Isku Duba-Ridkii Maxamed Jaamac Dhiif 
Oslo Norway

https://youtu.be/FJ2X3jwpiZw?si=esMb1iGBGxR8cnsT
Erayada: 

Cilmaaaa
Cilmaa Lagu Dawoobaa
Dabka Lagaga Baydhaa
Dekenada Ku Garataa
Dadnimada Ku Barataa
Dusha Sare Allaa Jirra
Daafaha Warbaa Yaal
Dadka Loogu Talo Galay
Nin Lahow, Nin Lahowba
Daydayo
*************************
Duuduubka Muruqyada
Hilbahaa Dubaaxdaa
Dubka Sare Ku Soo Dega
Durdurada Hal-bawlaha
Dun-Dhulkay Wadaagaan.
Duuduubka Muruqyada
Hilbahaa Dubaaxdaa
Dubka Sare Ku Soo Dega
Durdurada Hal-bawlaha
Dun-Dhulkay Wadaagaan.
Digto Kii Ay Dhaaftaba
Waa Waxay U Duugaan
Cida Loogu Darayaa
Dibna Loogu Celiyaa
Waase Ul Iyo Diirkeed
Waase Ul Iyo Diirkeed
Digto Kii Ay Dhaaftaba
Waa Waxay U Duugaan
Cida Loogu Darayaa
Dibna Loogu Celiyaa
Waase Ul Iyo Diirkeed
Waase Ul Iyo Diirkeed

Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
***********************
Adoon Meelna Daarayn
Doodeena Sheekada
Cunuhu Waa Durbaankii
Carabkaa Weedha Kala Dira
Codkii Oo Dayaan Wado
Adoon Meelna Daarayn
Doodeena Sheekada
Cunuhu Waa Durbaankii
Carabkaa Weedha Kala Dira
Codkii Oo Dayaan Wado
Dibnuu Debada Geeyaan
Dheguhuna Ka Duubaan
Onkod Kaa La Daawaa
Damac Iyo Cabsiba Wada
Waana Deeq Ilahay
Waana Deeq Ilahay
Dibnuu Debada Geeyaan
Dheguhuna Ka Duubaan
Onkod Kaa La Daawaa
Damac Iyo Cabsiba Wada
Waana Deeq Ilahay
Waana Deeq Ilahay
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa

***** ****** **********
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
**********************
Ku Danaysta Mooyee
Miyaan Hoosba Loo Deyin
Diinteenu Siday Tidhi
Dhulku Waaba Degi Laa
Amase Waaba Dumi Laa
Ku Danaysta Mooyee
Miyaan Hoosba Loo Deyin
Diinteenu Siday Tidhi
Dhulku Waaba Degi Laa
Amase Waaba Dumi Laa
Buurahoon Dul Saarnayn
Jidhkna Daymo Iyo Qurux
Dalag Lagu Adeegtiyo
Dawliil Ma Yeeshaan
Lafahoon Ku Daabnayn
Lafahoon Ku Daabnayn
Buurahoon Dul Saarnayn
Jidhkna Daymo Iyo Qurux
Dalag Lagu Adeegtiyo
Dawliil Ma Yeeshaan
Lafahoon Ku Daabnayn
Lafahoon Ku Daabnayn
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
***********************
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Waxaad Cadhada Demisaa
Nefis Aad Dareentaa
Markaad Diinta Baratee
Dar Ilaahay Oydee
Ilmo Kaa Dareertee
Waxaad Cadhada Demisaa
Nefis Aad Dareentaa
Markaad Diinta Baratee
Dar Ilaahay Oydee
Ilmo Kaa Dareertee
Dhulna Wuxu Daryeelmaa
Dacaskiyo Abaaraa
Belo Laga Dul Qaadaa
Cirku Dabacsanaadaa
Marka Dayr Raxmaadkiyo
Dambarsamahu Hooraa
Dhulna Wuxu Daryeelmaa
Dacaskiyo Abaaraa
Belo Laga Dul Qaadaa
Cirku Dabacsanaadaa
Marka Dayr Raxmaadkiyo
Dambarsamahu Hooraa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
***********************
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq Iyo Dul Badanaa
Daayinkeenu Wacanaa
Deeq iyo Dul Badanaa
Shaydaanku Dirranaa
Dibin-Daabyo Badanaa
Dunjigeena Necebaa
Denbi Aadmi Jecelaa

DHAMAAD