Wednesday, April 3, 2019

Dhididkooda Awgii Kuwii Inoo Dhaliyey Calankeenan Ayaa Dhaxalaystay Taladii!!


lama odhan karo somaliland waa wadan dhaqdhaqaaqiisa iyo dhaqaalihiisu yartahay, lama odhan karo somaliland lagama dhalin karo horu mar waara, lama odhan karo somaliland lagama fulin karo tamar electric ku fulin, suurta gal maaha in somaliland laga waayo biyo nadiif ah oo aan dadka iyo dalka ku filnayn, macquulna maaha in somaliland ay lasoo bixi waydo nolosheeda aasaasiga ah, iyadoo aynu isla ognahay inaanay sidaas oo dhani dhacdeen, lakiin maxaa sababay ilayn way dhacdaye!? kolay waxbaa jira ee ma is waydiinay wax jira ee ay somaliland u heli wayday waxaa dad yawga inala midka ahi helaan, waxaa dad yawga inala mid ka ahi ina siiyaan, waxaa wadamo inaga khayraad liitaa inoogu deeqaan. haa, waxa jira wadamo aan xoolana lahayn kaluun iyo wax bad ku jirana lahayn lakiin inagoo xoolo leh, bad buuxda leh ina caawinaya oo nolosha inaga caawinaya .

kolayba wax badan baa inaga xun, waxaynu isku dayaynaa inaynu wax badan ka ogaano aasaaskeena iyo halka aynu ka liigaynu, waxaynu qormooyinka ugu horeeya kusoo qaadan doonaaa sababta kuwii calankeena iyo wadankeena usoo dagaalamay ee naftooda halista usoo geliyey, ee kaga dhabeeyey ku dhawaaqista somaliland ay qasab uga dhigeen inay hadana iyagu hogaamiyaan talada somaliland . ilaa iyo ku dhawaaqistii somaliland 18 may 1991, waxa talada somaliland ay ku wareegaysay tiro dad ah oo aan ka badnayn 300 oo ruux ama qof . 300 qof ayaa qaarna wada socdeen, qaarna kala socdeen oo isku mucaarad iyo isku muxaafid ahaa, hadana 300 ee qof ayaa xusbiyada kala ah wixii ka dhintay mooyaane.

hadii laba kooxood oo kubada wada ciyaaraya, iyadoo ciyaartu adagtahay daqiiqaduna dhaw-dhaw dahay oo wakhtigu gabaabisyahay, uu hal ciyaartoo oo weerar ahi kula baxo gool hayahay kooxda kale oo weliba xariifnimo awgii uu u jaro gool-hayahay dabadeed gool-hayuhuna uu difaacista goolkiisa uu ka daba tago ninka dhaafay isla markaana laba gacmood mar ka wada jebiyo isagoo dhulka ku hubsaday ninkii dhaafay dabadeed halkaa gool-hayahaasi casaan ku qaato , gool ku laadna kooxda kale hesho. halkaa markay xaajadu marayso hadii ninkii sida wacan guusha u keenay ee lakiin isagu jajabay uu yidhaahdo anigaa gool ku laadka laaday ama penalty goal-kick, iyadoo la ogyahay inaanu dhulka kaba kici karin ileen wuu jajabanyahay, kolayba khasaare halkaa waa imanayaa lakiin maandhuhu wuxu guul ku haystaa intii hore . loomana baahna inuu isagu gool-ku laadka laado sababtoo ah waa dhaawac .. guushuna waxay ku xidhantahay in lays na siyo oo qofba meesha uu keenay mooyee ka kale kasii wado ...\

No comments:

Post a Comment

Thank you for your comment.