Tuesday, November 5, 2019

Inaan nidaam dawladeed oo u dhisan hab qabiil isa-sugto ah, samaysto ayaan u arkaa inuu ku jiro xalka somaliland

Inaan nidaam dawladeed oo u dhisan  hab qabiil  isa-sugto ah, samaysto ayaan u arkaa inuu ku jiro xalka somaliland

Hab dawladeedka loo yaqaano Democratic inagu kuma samaan karno, hadii reer yurub sidaa ku samaadeen anigu kuma samaan karo

Xalkaygu wuxuu ku jiraa, oo aan xalin karaa, waxaan aqaano, anigu gumaystihii ka hor, waxaan ahaa qabiilo, iskuna ixtiraami jiray, oo xidid iyo xigaal baan lahaa, oo xeerar baan lahaa, aan kusoo dhaqmi jiray, oo dhaqaalahayga iyo dhaqankaygu way isku tiirsanaayeen

Gumaystuhu ardayduu wax baray oo iskuuladiisa kasoo aflaxay ayaa laysoo rakaabsaday

Nidaamkii dawladnimo ee gumaystuhu sitay ayaa laygu jujuubay!

Hadaan dawladnimdaydii qabiilada ku dhisnayd sii wadan lahaa maanta waxaan noqon lahaa dawladaha dunida ugu awooda badan

Dawladnimadaydii qabiilada ku dhisnayd, waxay noqon lahayd nidaam dawladeed oo maanta layga sii xigto, oo wax u tari lahayd wadamada qabiilada leh sida Yemen, Libya.

Dalka wuxuu leeyahay ku dhaqma, ee aan qaadan nidaam wadan kale leeyahay, wuxuu ku guulaystaa horumarkasta oo uu u dedaalo!

Tusaale ahaan China wuxuu ku dhaqmaa nidaam dawladeed oo isagu leeyahay, Iran sidoo kale.

Ana waxa laygu yidhi ka tag nidaamkaad lahayd oo qaado nidaamka yaga oo loo yaqaano democratic

Waxa lay sameeyey boog aan ilaa qiyaamaha xoqayo oo la yidhaahdo citiraaf.

Mar hadaanan ka maarmayn oo ay igu hoos jirto qabiilnimo, oo aanan democratic la sheegayaa xalkayga xalin karin

Maan qabiilnimadan aanan ka tegi karayn, kala hufto oo nidaam isa-sugto ah, ka samaysto. iskana  joojiyo democratic gan aanan la jaan qaadi karayn!!

Dadkaa Dal Lagu Yahay!!

No comments:

Post a Comment

Thank you for your comment.