Hadii Xukuumadaadu Waq-Waqlay Tahay Shacab-kaaguna Waa Wiiq-Wiiqley Sidii Shimbirtii Waxay Maqasho Ka Daba Hadli Jirtay!!
Ilahay Naxaristii Jano Haka Waraabiyee Macalin Cabdilaahi Cashuur Oo Xiligaanu Malcaamado Quraanka Ku Jirnay, Noo Dhigi Jiray, Madooyinka " Af-Carbeedka IYo Xisaabta"
Magaalada Burco Iyo Nawaaxigeedana Aad Looga Jeclaa
Runtiina Ahaa Maclin Aad U Raxmad Badan, Balse Necbaa, Hadalka Badan, Huganka Iyo San-qadhaba.
Hadii Uu Sanqadh Badan Dareemana Si Kulul U Odhan Jiray " Qalinka Dhig!" "Buuga Dhiga!" "Sanqadha Dhiga"
Ayaa Maalin Isagoo Naga Tusaalaynaya Inaan Hadalka Badan Iyo Qaylada Badani Wacnayn
Nagu Yidhi:- " Daasada Madhani Way Ka Sanqadh Badan Tahay Daasada Buuxda, Qofka Madhanina Wuu Ka Sanqadh Iyo Hadal Badanyahay Qofka Miisaaman!
Madhnaanta Ayaana keenta In Wax Kasta Laga Daba Hadlo Sida Shimbirta La Yidhi Waxay Maqashaba Way Ka Daba Tidhaahdaa Ee Magaceeda Soomalidu Tidhaahdo 'Waaq-Waaq!'
Bacda Intaa:-
Dawlada Waxa La Gud-Boon Inay Jahayso Dadkeeda Oo Qorshayaal Wax-Tar U Leh, Oo Ay Ku Kala Jeestaan Hindisto, Ogowoo Sida Dawladaadu Tahay Ayaa Dadkaaguna Noqdaan
Maanta Somaliland Xukuumad Waaq-Waaq Leh
Ayaa Hogaaminaysa!
Kana Daba Waaq-Waaq Leh Somalia Iyo Hawlaheeda
Mar Ku Waaq-Waaq Leh Xukuumadii Military ga ahayd Anagaa Ridnay!
Marna Ka Waaq-Waaq Leh Waa Nala Xasuuqay!
Marna Ka Wiiq-Wiiq Leh Somalia Iyo Shirarkeeda Iyo Calamadeeda Ama Ha Qaloocaa Ama Ha Toosnaadaane.
Hadaba Xukuumad Waaq-Waaaq Leh Bal Ka Waran Shacabkeeedana?!
Shacabkuna Shimbirtaa Waaq-Waaq Ha Iska Ahaato Ileen Ilahay Baa Baday Hogaan Aan Waaq-Waaq Layn Mooyee Wax Kale Hindisi Karine.
In Kilidhka Shanaad Ee Itoobiyana Ka Wiqiiq Lehna Waa Maqlaayey.
Dalku Cudurkan Waqaaqda In Laga Saaro ayuu U Baahanyahay
DADKAA DAL LAGU YAHAY!!
AMsugal
No comments:
Post a Comment
Thank you for your comment.