Showing posts with label Twitter.com/AMSugal. Show all posts
Showing posts with label Twitter.com/AMSugal. Show all posts

Wednesday, January 29, 2020

Ma Xildhibaanaa Mise Xag-Xagtayaal?

Sidaynu Ka Yeelnaa Nimankan Marba Loo Sii Kordhinayo Mushahar Qaadashada!!

Waxay Hore usoo Mushahar Qaadanayeen 15 Sano, Waxa Kaloo Maantana Loogu Daray 2 Sano Oo Mushahar Qaadasho Ah

Gudoomiyaasha Xusbiyadu Waxay U Ordaan Oo Eegtaan Doorashada Madax-Waynaha Oo Ah, Halka Ay Iyagu Rabaan  Lakiin Uma Dagaalamaan Doorashooyinka Baarlamanka Sababtoo Ah, Iyagu Maaha Kuwo U Ordaya Baarlamaan

Amuurtan Waxa Iska Leh Cida Danaynaysa Ama Rabta Ama U Tartamaysa Baarlamanka!!

"Haday Dhul Gariir U Baahantahay Iyo Ka Dhiidhi"!!

War Bal Dhamaan Musharaxiinta Danaynaysay Golaha Wakiilada, Ina Balansiiya, "Cudud La'aan Baa Cadkiin Lagu Haystaaye!!"

U Diyaar Garooba In Laga Af-Qabto Mushahar Qaadashan Socota Uun

Ileen Maaha Maanta Xildhibaano Ee Waa Xayo Daysa Xag-xagtaya ah oo Mushahar Qaate Ahe !!

DADKAA DAL LAGU YAHAY!!

Friday, November 22, 2019

Dimurqaadiyada Reer Galbeedku Waa Dhashii Iblays!

Dimurqaadiyada Reer Galbeedku Ama Reer Yurub Waa Dhasha Iblayska!

Hadaad Rabtid Inaad Ogaatid Ubadka Uu Dhalay Xaraamigii Iblays, Ee Dhaarta Ku Maray Inuu Halayn Doono Ilma Nebi Aadan( Cswm)
Oo Inaga Ah Binu-Aadan Ahaan.

Iblays Inantiisa Curadi Waa Nooca Ama Qaabkan Loo Yaqaano Democratic ama Dimurqaadigu

Waa Qaab Ama Hanaan Ka Hor Imanaya Hanaankii Ilaahii Ina Abuurtay Uu Inoogu
Talagay Inaynu Ku Dhaqano.

Ayna Tahay Hab Ku Dhaqanka Keliya Ee Rabbiga, Inaga Iyo Dunidaba Iska lihi'l Inagaga Raali Noqonayo

Taas Bedelkeeda Waxaynu Raali Gelinay Oo Hanankiisa Qaadanay Cadawgeenii Koobaad Ee Iblaysa, Kii Alla Nacdalay!!

DADKAA DAL LAGU YAHAY!!