Asia way ka
aarsatay Europe, Africa na weli way aradantahay!!
Qaaradaha Africa iyo Asia waxa qabsaday oo gumaystay wadamada reer Europe
iyagoo adeegsanaya hab military ama mid xeeladedba sababtuna ay ahayd khayraadka ilahay ku manaystay Africa iyo Asia
oo ay markaa reer Europe ka aradnaayeen khayraadkaa kala duwan. Waxay ka
arminayeeen oo maamulayeen ku dhawaad mudo qarni ah, waxayna ka uruursadeen
nood iyo noolba waxay qaadi karayeen sida gafanahana ugu soo go’een. Taariikhdu
hilaadii markay soo gaadhay badhtamihii qaringiii 19aad ayay curashada
gobanimadu iyo madax banaanida laga xoroonayey reer Europe ka hilaacday labada
qaararood ee Africa iyo Asia inkastoo ay Asia waxoogaa afrika ka faana horaysay
hadana labada qaarardood way isku sidkanaayeen oo waxa haystay culays wayn oo
niman meel shishe ka yimi ayaa geelooda maalayey, magaabinaya hadhuubka iyana
waa ka qatanayaaeen oo weliba waxa usii dheerayd inay iyagu gacantooda ugu soo
maalaan, intaas iyo in kaloo badan baa ka dhaxaysay oo ay wada dareemayeen.
hamuun iyo dardar badana way u qabeen gooni isku taagnimo iyo xoriyad taam ah
oo ay u madax banaanaadaan ka ariminta iyo ka talinta dhulkooda hooyo.
wax badan may kala horayn Africa
iyo Asia inay xoriyadooda ka haleelaan Europe. Oo badhtamihii qarnigii 19aad
ayay dhamaanba si mug leh u halamsadeen hogaaminta wadamadooda, ninba si haku
hantee.
Kolkii ay dhamaanba umadihii inta badan dhulkooda lagu maamulayey
haakah yidhaahdeen ee cadawgiina ka huleelan arligooda ee ay taladu ribatay
sidii ay iyagu isku maamuli lahaayeen, ayaa qoloba kay talo iyo tun waynaan
bidayeen u dhiibteen hogaanka, wayse kala duwanaadeen oo qaarada Asia badanaa
waxa u kacay hormuud iyo hogaan ka dhabeeyey horu mar balaadhan iyagoo weliba
ku taamayey wixii uu saan-cadaaluhu baday, ilaa ay gaadhsiyeen wadamadood heer
ay reer Europe dhaqaale iyo farsamo bidaaan, wayna ka aar goosteen Europe,
maaha hab military ama dagaal ee waxay tuseen waxay noqon karaan . Dhanka kale
qaarada africa waxa iyana u kacay kooxo aan wax badan dhaamin gumaysihii reer
Europe, weliba u hor seeday dagaalo sokeeye, qaxar, sixir barar iyo musuqmaasuq
baahsan oo ilaa hada taagan, dhulka somalida gar ahaan Somaliland markii uu
gumaytuhu ka huleelay ay taladu gacanta u gashay dadkii wadanka u dhashay,
ragii sanadadaa goob jooga ka ahaa ee aan naf iyo maalba ula hadhin lasoo
noqoshada maandeeq, isla ayaamo ka dib baa way ka dayriyeen habKa wax loo
maamulayo, sida tuducan uu abwaan QAASIM (AHN) ku cabirayo waxa socda:
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay!!
Tuducani
dhamaanba Africa waxa ka socday ayuu turjumayaaa, abwaankana had iyo jeer
somalidu waxay tidhaahdaa waa uur ku baaale. Maamul xumadani dhamaanba way wada
saamaysay qaarada Africa waana ta ragaadisay ilaa hadana aan xal lo helin,
xalkana waxa keliya ee heli kara dadka wadanka u dhashay, si kasta oo loo
sasabo ama loo dhaqaaaleeyo xal umad
kale kula maamulaysaa xal kuu noqon maayo, qaarada africa na wax ka maqan inay
iyagu dhulka leeyihiin kana talin karaan kana arimin karaan, wax kala soo bixi karaan. Africa
gumaystihii kamay aarsane siday ku socoto mar kale ayaa lagu soo noqon