Monday, September 16, 2019

Shaqo Lagu Sasabayo Mid Kaa Sareeya Oo Aan Ahayn Maslaxad Umadeed Waa Aafada Koobaad Ee Somaliland U Noqotay Cilinka Aan Kor'rin!!




Hadaad Tahay Madax Magaaleed Ama Goboleed Hore na Aad U Gudan Wayday Shaqooyinkii Aad Umadan Iyo Magaaladan U Haysay Marka Mid Kaa Xil Sareeyaa Kugu Soo Socdo  Biririfta Aad Muujinayso Ma Magaaladaada Ayaad U Qabatay Mise Masuulkaa Kaa Sareeya?

Dhaqanka Noocaas Ahi Waa Munaafaqnimo Magac Xumana Way Ku Raacaysaa!!

Shaqo Degdeg Lagu Macmacay Qof Kaa Sareeya Oo Maalin Kula Joogayana Lagu Raali Gelinayo Waxa Ka Wacan Adigoo Masuuliyadaada Maalin Kasta Qabsada! 

Shaqadaa MacMaca Ah Ee Qof Maalin Kula Joogaya Lagu Sasabayaa Ogow Shan Maalmood Sii Jiri Mayso Lakiin Shaqada Aad Sideeda U Qabtaa In Badan Bay Sii Jiraysaa Adna Masuul Ahaan Kalsooni Iyo Awood Baad Yeelanaysaa Oo Baqdintan iyo Tolow Madax Waynihii Baa Soo Socdee Maxaynu Ku Sasabnaa Oo Aynu Yacyacood Dedejinaa Way Kaa Baxaysaa !!

Shaqo Lagu Sasabayo Mid Kaa Sareeya Oo Aan Ahayn  Maslaxad Umadeed Waa Aafada Koobaad Ee Somaliland U Noqotay Cilinka!!

Cilinku Waa Qofka Da'ahaan Wayn Lakiin Muuq Iyo Magac Midna U Korin Ee Weli Yaryar!

DADKAA DAL LAGU YAHAY!!

No comments:

Post a Comment

Thank you for your comment.