Hogaankii umado kala horaysiiyey!!
Kolkii ay dhamaanba umadihii inta badan dhulkooda lagu maamulayey haakah yidhaahdeen ee cadawgiina ka huleelan arligooda ee ay taladu ribatay sidii ay iyagu isku maamuli lahaayeen, ayaa qoloba kay talo iyo tun waynaan bidayeen u dhiibteen hogaanka, wayse kala duwanaadeen oo qaarada Asia badanaa waxa u kacay hormuud iyo hogaan ka dhabeeyey horu mar balaadhan iyagoo weliba ku taamayey wixii uu saan-cadaaluhu baday, ilaa ay gaadhsiyeen wadamadood heer ay reer Europe dhaqaale iyo farsamo bidaaan, wayna ka aar goosteen Europe, maaha hab military ama dagaal ee waxay tuseen waxay noqon karaan . Dhanka kale qaarada africa waxa iyana u kacay kooxo aan wax badan dhaamin gumaysihii reer Europe, weliba u hor seeday dagaalo sokeeye, qaxar, sixir barar iyo musuqmaasuq baahsan oo ilaa hada taagan, dhulka somalida gar ahaan Somaliland markii uu gumaytuhu ka huleelay ay taladu gacanta u gashay dadkii wadanka u dhashay, ragii sanadadaa goob jooga ka ahaa ee aan naf iyo maalba ula hadhin lasoo noqoshada maandeeq, isla ayaamo ka dib baa way ka dayriyeen habKa wax loo maamulayo, sida tuducan uu abwaan QAASIM (AHN) ku cabirayo waxa socda:
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay!!
Tuducani dhamaanba Africa waxa ka socday ayuu turjumayaaa, abwaankana had iyo jeer somalidu waxay tidhaahdaa waa uur ku baaale. Maamul xumadani dhamaanba way wada saamaysay qaarada Africa waana ta ragaadisay ilaa hadana aan xal lo helin, xalkana waxa keliya ee heli kara dadka wadanka u dhashay, si kasta oo loo sasabo ama loo dhaqaaaleeyo xal umad kale kula maamulaysaa xal kuu noqon maayo, qaarada africa na wax ka maqan inay iyagu dhulka leeyihiin kana talin karaan kana arimin karaan, wax kala soo bixi karaan. Africa gumaystihii kamay aarsane siday ku socoto mar kale ayaa lagu soo noqon
No comments:
Post a Comment
Thank you for your comment.