Showing posts with label Opinion. Show all posts
Showing posts with label Opinion. Show all posts

Sunday, July 23, 2023

Hambalyo Ku Aadan Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland: Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fara-Toon)


Hambalyo  Jamhuuriyada Somaliland, Hambalyo Golayaasha Sharci-Dejinta Jamhuuriyada Somaliland, Hambalyo Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, Hambalyo Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fara-Toon).
Ilahay Waxaan Uga Barayayaa Inuu Ka Yeelo, Gudoomiye Guta Waajibaadkiisa, Gudoomiye Ay U Fududaato, Xilka Qarran Ee Loo Cumaamaday, Gudoomiye Haga Oo Hanaaniya, Isku Wadka Golaha Wakiilada, Gudoomiye U Adeega Ummada Somaliland , Mid Guud Iyo Mid Gaaraba.

Amiin Yaa Allah
Wa Billahi Tawfiiq
Abdulkadir Mohamoud Sugal

Thursday, January 19, 2023

Waydiimo Badan (Qormada 1aad)

Anigu Maxaan Rabaa, Maxaanse Awoodaa, Maxaanse Iska Hag-raday, Maxaase I Hortaagan?


Hordhaca.

         Xuska Magaca Alle, Iyo Qirista Awoodaha Rabigeena, Ilaaheena Raxmaanka Ah Ee Raxiimka Ah, Ee Naxariista Guud Naxariista, Naxariis Gaar Ahna Naxariista, Ayaa Sugan, In Xaajo Kasta Bilawgeeda La Xuso.
        Si Aynu Akhritow, Iskula Jaan-Qaado, Ugu Horayn, Bahda Ama Firka Ama Abtirsiinta Qormadan Waxa La Yidhaahdaa “Waydiimo-Badan”
       Waydiimo-Badan, Iyadaa Garnaqsi Iskula Jirta, Iyadaa Mudduc Iyo Maddaacalay Isku Ah, Waase Garnaqsi, Qiraal Ah, Oo Aan Guddi Iyo Guurti Kala Saarta U Baahan, Geed Soomaliyeedna Isla Tegin.
      
    Waydiimo-Badan Waxay Bulshada Kala Mid Tahay, Oo Ay Ogtahay, In Hadii Alle Idmo, Qoysku, Qof Ka Bilaabmo, Oo Uu Qoys Noqdo, Qoyskuna, Qoysas Noqdo, Qoysaskaasina Qarrran Noqdaan, Qarrankaasina, Qaarad Iyo Qaarado Noqdaan.
     Waydiimo-Badan, Waxay Xasuusantahay Mar Uu, Inna Sugaal Geele, Innankiisu:- Lahaa, “Dadkaa, Dal Lagu Yahay”, Oo Macnaheedu Tahay, Horru-Marka Dalkastaa Wuxuu Ku Xidhanyahay, Hagaaga Iyo Horru-Marka, Dadkiisa!!

Soo uruurinta iyo sawirka guud ee qorrmadan waydiimo-badan, waxay ku af-meerantahay, innahaa iyo inno kale oo la mid ah, sababaha qorrmadu ugu abtirsatay, una ahaatay, bad-waydiimo-badan, iyadaa iskeen tusi-doonta, innagoon su’aalin, waxay firkan iyo bahdan ama ba’dan, u dooratay.
Imika iyo haatana, halkan waxaynu usii joogno, inooma yaalaan, ina dhaqaaji oo ina dul-gee, warka, waydiimo-badan, wanaagsame  akhriyaha wacanoow.






Anigu Maxaan Rabbaa?

Waxaan Anigu Rabo, Wax Ka Culus Oo Ka Wayn Waxa Aniga Layga Rabo, Waxa Layga Rabbaa, Wixii Layga Rabbay Oo Aan Raaco, Layma Unkin, Inaan Lahaado, Waxaan Anigu Rabo, Waxa Layga Rabaa Raacista Wixii Layga Rabay, Hadiise Rabistaydu  Ka Aradnaato, Raacista Wixii Layga Rabay, Waxaan Raad-Raacay, Rarran Iyo Rug-Daran, Oo Ay Rabbitaankaygu, Igula Raad-Beeshay.

Maxaa Aniga Layga Rabbaa?


Waxa Aniga Layga Rabaa, Hagaaga Naftayda, Hagaaga, Qoyskayga, Hagaaga, Ummada Somaliland, Hagaaga Ummada Soomaaliyeed, Hagaaga Ummada Islaameed, Hagaagan Layga Rabaa Maaha Mid Aan Hinidisihiisa Leeyahay Balse Waxaan Hindisihiisa Leeyahay U Hogaansanaanta, Hagaaga Uu Rabigeenu Inoogu Soo Dhiibay, Nebi Maxamed (Swm), Nebigeenuna, Naxariis Iyo Nabad Gelyo Kor Kiisa Ha Ahaate, Ina Soo Gaadhsiiyey, Inoona Dhameeyey.
Hagaagu Maaha Mid Lagaa Rabbo Inaad Naftaada Oo Keliya Ku Anfacdo, Maaha Mid Aad Adigu Oo Kaliya Ku Samaato, Waxaase Lagu Faray Oo Lagaa Rabaa, Hagaagaa Iyo Hanuunkaa Kusoo Gaadhay, Inaad Gudbiso, Oo Sidii Laguugu Soo Hogaamiyey Ee Laguugu Hagar-Baxay, Inaad Adna, Usii Hogaamiso, Dunida Marba Aad Joogtana Ku Hagto.
Aniga Hogaaminti Layga Rabay Ee Laygu Hubsaday, Hadaan Naftayda, Dhaafin Waayey, Oo Aan Hogaamintii Guudna Iska Hibbeeyey, Igmay Halaabine, Ee Aan Iska Hibbeeyeye, Oo Maanta, Dunidii Aan Hagi Lahaa, Laygu Hogaaminayo,  Oo Lay Hillaadinayo, Hadba Halkay Talo Ka Horayso, Oo Aan Layli U Ahay, Nin Rarran Iyo Rugtii Darnayd Doortay, Oo Uu, Ila Rabbo Halkuu Isagu Raadsay, Oo Iga Reebbayo, Halkii Layla Rabay, Iyadoo Aniga Layga Rabbo, Inaan Uga Digo, Kuna Duwo, Dariiqa, Laynoo Dooray
…………..,,.,.,

Fadlan La Saco Qormooyinka Dambe

Saturday, July 23, 2022

QALAD BAA LA RABAA IN LA QORRO SI QARNIGA DAMBE SAX LOOGU ARKO!

Somaalidu Waa Dad Aan Waxba Qorrin!

Soomaalidu, Waxay Hibbo U Leeyihiin, Oo Alle Ugu Deeqay, Fahan Sare Iyo Xusuus Wacan Oo Wax Qabata.
Xasuusata Wacan Iyo FahanKa Sare Awgii, May Jirin Sabab Aad U Wayn, Oo Ugu Baahdeen, Hadal Ama Sheeko La Sawiro Lana Dhiteeyo.

Dadku Waxay Ahaayeen, Dad, Ruux Waliba Madaxiisa Ku Haya, Taariikh, Sheeko, Iyo Dhacdooyin, Ku Dhawaad Sadex Qarni Kala Ahaa, Ruuxa Soomaaliyeed, Wuxuu Ka War Bixinayaa,Qarnigii Uu Noolaa Iyo Qarnigii Aabihii, Iyo Qarnigii Awgii,.

Qoraal La'aanta Soomaalidu Ma Ahayn Mid Ay Keentay Aqoon La'aani, Ee Waxa Sabab U Ah Isku Halaynta Xasuusta Sare Ee Rabbi Ugu Deeqay.

QALAD BAA LA RABAA IN LA QORRO SI QARNIGA DAMBE SAX LOOGU ARKO!

Waa Run Oo Wax Qorristu Soomalida Kumay Badnayn, Maantase Way Soo Badanaysaa, In Wax La Qorro, Khaasatana Waxa Soo Badnayna  Buug La Iib Gaynayo.
Iyadoo Laga Faa'iidaysanayo Odhaahda Ah Soomalidu Waxba Ma Qorraan.
Lana Odhanayo "Waa Inaynu Horru-Marinaa Wax Qorrista"
In Qorraalka La Horru-mariyaa Way Wacantahay, Balse Maxaa Lay Qorayaa?
Waa Maxay Faa'iidada Ugu Jirta Wadan Kale Inaan Wax Qorro?

MAXAA LA QORAYAA?

Iyadoo Laga Faa'iidaysanayo Somalidu Waxba Ma Qorto, Laguna Dhuumanayo, Olalaha Horru-Marrinta, Wax Qorrista.
Waxa La Qorayaa, Oo La Daabacayaa,,
Afkaar Iyo Arrimo Ka Hor Imanaya, Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Soomaalidaba.
Afkaarahaasi Maaha Afkaaro, Si wayn Hada U Muuqanaya, Waa Kuwo Laynoo Dhuubayo,
Khalado Yar yar La Raacinayo, Si Qarni Dambe Dadka Arkaa U Qaataan Inay Sax Tahay, In La Turjumo, Buugaag, Dhaqamo Kale Iyo Diimo Kale Dad Aaminsani Qorreen, In Laygu Dhega Barjeeyo, Wax Layla Rabbo Inaan Aqbalo.

Yaa Wada Qorshahan, Qallinkana Ku Dhuumanaya!
Waxa Is Gaashaan-Buuraystay, Afar Kooxood, Oo Koox Waliba Arin Khaas Ah Wadato, Waxayse Ka Midaysanyihiin, Duulaanka Somaalida, Iyo Dhalan-Gediga Ummadan.

AFartaa Kooxood Waxay Isla Qaateen In Maanta Meesha Soomalida Laga Geli Karaa Ay Tahay Ku Dhuumashada, Qorrista Iyo Akhriska.
Waxay Kooxahani Kala Yihiin:-
1. Koox Fidinaysa, Ka Jeedsiga Diinta Islaamka, Oo Macnaheedu Tahay, In Diinta Islaamku Ama Islaamnimadu La fududaato Bulshada. OO xukunka Islaamka Iyo Waxa Layna Faray Ahaadaan Kuwo Aan La Fulin.

2. Koox Amarka Samaawiga Ah Ee Alle Ina Faray, Ka Door Bidda Waxa Maskaxdooda Kusoo Dhaca, ku Ololeeya, Fikir Xor Ah, Iyo Adeegso Caqligaaga.

3. Koox Fidinaysa, isku Taga Dadka Isku Jinsiga Ah Ama Liwaadka Ah.

4. Koox Fidinaysa, Dumarnimo, Iyo In Gabadhuhu, Ragga La Simanyihiin, Oo Ku 
Jira Dagaal  Ah In Dumarka Adoonsi Ku Jiraan, Una Baahanyihiin Xorayn.
Waa Koox Diyaar U Ah, Burburka Qoyska Soomaliyeed 

Sidee Loo Qabban Karaa Qalladka Laynoo Qoolayo.
In Aynu Horru-Marino, Wax Qorrista, Waa Muhiim, In Wax La Qorraa Waa Muhiim, lakiin Waa Inay Jirtaa Laan Dawli Ah, Oo Hubisa Qorraalku Inuu U Qalmo In La Daabaco,Oo Laga Dhigo Buug Iyo In Kale, Iyadoo La Xulayo, Masuuliyiiin U Qalmo, Shaandhada Qorraalka.
Buuga La Turjumayo, Ee Cid Kale Leedahay, Miyuu Yahay Buug Diinteena Iyo Dalkeenaba Saamayn Togan Ku Yeelan Kara. Xitaa Haduu Yahay Buug La Turjimo Karo, Waa In Qorraagii Rasmiga Ahaa Laga Haystaa, Ogolaansho.

Ugu Dambayntiina Buuga Ummada Soo Gaadhayaa Ahaadaa, Buug Dawlada Somaliland Kasoo Huftay Oo Ka Soo Haadisay Bulshada Intaa La Soo Daabicin.

Ka Dibna Shirkadaha Wax Daabaca, Aanay Daabici Karin Buug Haysta Warqad Ogolaansho Ah Oo Xafiiskaa Kasoo Baxday Mooyee Buug Kale.

               NABAD-GELYO

Abdulkadir Sugal 
Burco, Somaliland 

Saturday, July 11, 2020

Asia way ka aarsatay Europe, Africa na weli way aradantahay!!

 Qaaradaha Africa iyo Asia waxa qabsaday oo gumaystay wadamada reer Europe iyagoo adeegsanaya hab military ama mid xeeladedba sababtuna ay ahayd khayraadka ilahay ku manaystay Africa iyo Asia oo ay markaa reer Europe ka aradnaayeen khayraadkaa kala duwan. Waxay ka arminayeeen oo maamulayeen ku dhawaad mudo qarni ah, waxayna ka uruursadeen nood iyo noolba waxay qaadi karayeen sida gafanahana ugu soo go’een. Taariikhdu hilaadii markay soo gaadhay badhtamihii qaringiii 19aad ayay curashada gobanimadu iyo madax banaanida laga xoroonayey reer Europe ka hilaacday labada qaararood ee Africa iyo Asia inkastoo ay Asia waxoogaa afrika ka faana horaysay hadana labada qaarardood way isku sidkanaayeen oo waxa haystay culays wayn oo niman meel shishe ka yimi ayaa geelooda maalayey, magaabinaya hadhuubka iyana waa ka qatanayaaeen oo weliba waxa usii dheerayd inay iyagu gacantooda ugu soo maalaan, intaas iyo in kaloo badan baa ka dhaxaysay oo ay wada dareemayeen. hamuun iyo dardar badana way u qabeen gooni isku taagnimo iyo xoriyad taam ah oo ay u madax banaanaadaan ka ariminta iyo ka talinta dhulkooda hooyo. wax badan may kala horayn Africa iyo Asia inay xoriyadooda ka haleelaan Europe. Oo badhtamihii qarnigii 19aad ayay dhamaanba si mug leh u halamsadeen hogaaminta wadamadooda, ninba si haku hantee.


Hogaankii umado kala horaysiiyey!!

Kolkii ay dhamaanba umadihii inta badan dhulkooda lagu maamulayey haakah yidhaahdeen ee cadawgiina ka huleelan arligooda ee ay taladu ribatay sidii ay iyagu isku maamuli lahaayeen, ayaa qoloba kay talo iyo tun waynaan bidayeen u dhiibteen hogaanka, wayse kala duwanaadeen oo qaarada Asia badanaa waxa u kacay hormuud iyo hogaan ka dhabeeyey horu mar balaadhan iyagoo weliba ku taamayey wixii uu saan-cadaaluhu baday, ilaa ay gaadhsiyeen wadamadood heer ay reer Europe dhaqaale iyo farsamo bidaaan, wayna ka aar goosteen Europe, maaha hab military ama dagaal ee waxay tuseen waxay noqon karaan . Dhanka kale qaarada africa waxa iyana u kacay kooxo aan wax badan dhaamin gumaysihii reer Europe, weliba u hor seeday dagaalo sokeeye, qaxar, sixir barar iyo musuqmaasuq baahsan oo ilaa hada taagan, dhulka somalida gar ahaan Somaliland markii uu gumaytuhu ka huleelay ay taladu gacanta u gashay dadkii wadanka u dhashay, ragii sanadadaa goob jooga ka ahaa ee aan naf iyo maalba ula hadhin lasoo noqoshada maandeeq, isla ayaamo ka dib baa way ka dayriyeen habKa wax loo maamulayo, sida tuducan uu abwaan QAASIM (AHN) ku cabirayo waxa socda:

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay!!



Tuducani dhamaanba Africa waxa ka socday ayuu turjumayaaa, abwaankana had iyo jeer somalidu waxay tidhaahdaa waa uur ku baaale. Maamul xumadani dhamaanba way wada saamaysay qaarada Africa waana ta ragaadisay ilaa hadana aan xal lo helin, xalkana waxa keliya ee heli kara dadka wadanka u dhashay, si kasta oo loo sasabo ama loo dhaqaaaleeyo   xal umad kale kula maamulaysaa xal kuu noqon maayo, qaarada africa na wax ka maqan inay iyagu dhulka leeyihiin kana talin karaan kana arimin  karaan, wax kala soo bixi karaan. Africa gumaystihii kamay aarsane siday ku socoto mar kale ayaa lagu soo noqon