Baarlamaanka Soomaalilayn U Soo Baxay, Kumay Iman Xulasho Ay Bulshada Iyo Asxaabtuba U Garteen, Ee Waxay Kaalintaa Kusoo Gaadheen, Gadasho Iyo Beeec Ay Ku Bedesheen Kursiga Ay Maanta Joogaan.
Ma Jirto Xisbi, Musharax Kaalmeeyey.
Xisbiyadu Waxay Ahaayeen Xero Lacag Lagu Gelayey.
Bulshadu Bilaash Nina Kumay Dooran, Musharax Soo Baxay Iyo Mid Aan Soo Bixinba Waynu Ka Iibinay Intuu Helay.
Musharax Soo Baxay Iyo Mid Hadhayba, Waxa Raacday Dayn Ka Badan Intuu Haystay!
Xubnaha Sidaa Ku Yimi, Lama Odhan Karo Waa Xisbiyo,.Lamana Odhan Karo Muqaalufo Xisbinimo Ayay Ku Wada Soconayaan Oo Shir-Gudoon Ku Dooranayaan.
Xubnaha Ku Yimi Xoolahoodii Iyo Daymo Sii Raacday, Ku Dooran-maayaan Shir-Gudoon Gashi La-aan .
Kursiga Iib Bay Ku Yimaadaan, Shir-Gudoonkana Way Iibiyaan..
Inay 10sano Fadhiyaana Waa Xaq Ay U Goysay Xaalufintii La Markiyey..
ALLAHOYOW YAAB BADANAA
No comments:
Post a Comment
Thank you for your comment.