Wednesday, November 24, 2021

SIDDA QOFKII NOOLAADAA, SANAD WALBA, AY BISHA RAMADAAN UGU TIMAADO, AYAA BIYO LA'AANTUNA SOMALILAND SANAD WALBA U TAHAY, GAAR AHAAN GOBALADA BARI EE TOGDHEER, SOOL, SANAAG.


Biyuhu Waa Aasaaska Koobaad Ee Nolosha, Waa Waxa Keliya Ee Aan La'aantood Noloshu Suurta Gelin, 

Maadaama Oo Nolosha Soomaalidu Ku Xidhantahay Xoolaha Nool, Xoolaha Nool Iyo Dadkuna Noloshuud Ku Xidhantahay Baad Iyo Waraab, Baadkuna Ku Xidhanyahay Biyo.

Waxa Gobalka Togdheer Iyo Degaanadiisa Ka Taagan Xaalad Adag, Oo Biyo La'aaneed, Marka Koobaad Ilahay Waa Naxariis Badanee Allahayoow Raxmadaada Ayaanu Hoos Naalaa,.Ee Na Qabooji.

Markaa Labaad Dawlada Ayaa Dalka Ka Masuul Ah, Biyahana Waxa Kasii Masuul Ah Wasaarada Biyaha, Wasaarada Biyahana Waxa Ka Masuul Ah Wasiirka Biyaha, Wasiir Ka Biyuhuna Wuxuu Kasoo Jeedaa Deegaankaa Biya La'aantu Ka Jirto.

Wasiirka Biyaha Waxa Laga Rabaa Dedaal Iyo Gurmad Degdeg Ah.
Iyo Qorshe Guud Oo Laga Yeesho, Xaaladaha Biyo La'aaneed Ee Kusoo Noqnoqda Geyigeenan Somaliland.

No comments:

Post a Comment

Thank you for your comment.