Anigu Maxaan Rabaa, Maxaanse Awoodaa, Maxaanse Iska Hag-raday, Maxaase I Hortaagan?
Hordhaca.
Xuska Magaca Alle, Iyo Qirista Awoodaha Rabigeena, Ilaaheena Raxmaanka Ah Ee Raxiimka Ah, Ee Naxariista Guud Naxariista, Naxariis Gaar Ahna Naxariista, Ayaa Sugan, In Xaajo Kasta Bilawgeeda La Xuso.
Si Aynu Akhritow, Iskula Jaan-Qaado, Ugu Horayn, Bahda Ama Firka Ama Abtirsiinta Qormadan Waxa La Yidhaahdaa “Waydiimo-Badan”
Waydiimo-Badan, Iyadaa Garnaqsi Iskula Jirta, Iyadaa Mudduc Iyo Maddaacalay Isku Ah, Waase Garnaqsi, Qiraal Ah, Oo Aan Guddi Iyo Guurti Kala Saarta U Baahan, Geed Soomaliyeedna Isla Tegin.
Waydiimo-Badan Waxay Bulshada Kala Mid Tahay, Oo Ay Ogtahay, In Hadii Alle Idmo, Qoysku, Qof Ka Bilaabmo, Oo Uu Qoys Noqdo, Qoyskuna, Qoysas Noqdo, Qoysaskaasina Qarrran Noqdaan, Qarrankaasina, Qaarad Iyo Qaarado Noqdaan.
Waydiimo-Badan, Waxay Xasuusantahay Mar Uu, Inna Sugaal Geele, Innankiisu:- Lahaa, “Dadkaa, Dal Lagu Yahay”, Oo Macnaheedu Tahay, Horru-Marka Dalkastaa Wuxuu Ku Xidhanyahay, Hagaaga Iyo Horru-Marka, Dadkiisa!!
Soo uruurinta iyo sawirka guud ee qorrmadan waydiimo-badan, waxay ku af-meerantahay, innahaa iyo inno kale oo la mid ah, sababaha qorrmadu ugu abtirsatay, una ahaatay, bad-waydiimo-badan, iyadaa iskeen tusi-doonta, innagoon su’aalin, waxay firkan iyo bahdan ama ba’dan, u dooratay.
Imika iyo haatana, halkan waxaynu usii joogno, inooma yaalaan, ina dhaqaaji oo ina dul-gee, warka, waydiimo-badan, wanaagsame akhriyaha wacanoow.
Anigu Maxaan Rabbaa?
Waxaan Anigu Rabo, Wax Ka Culus Oo Ka Wayn Waxa Aniga Layga Rabo, Waxa Layga Rabbaa, Wixii Layga Rabbay Oo Aan Raaco, Layma Unkin, Inaan Lahaado, Waxaan Anigu Rabo, Waxa Layga Rabaa Raacista Wixii Layga Rabay, Hadiise Rabistaydu Ka Aradnaato, Raacista Wixii Layga Rabay, Waxaan Raad-Raacay, Rarran Iyo Rug-Daran, Oo Ay Rabbitaankaygu, Igula Raad-Beeshay.
Maxaa Aniga Layga Rabbaa?
Waxa Aniga Layga Rabaa, Hagaaga Naftayda, Hagaaga, Qoyskayga, Hagaaga, Ummada Somaliland, Hagaaga Ummada Soomaaliyeed, Hagaaga Ummada Islaameed, Hagaagan Layga Rabaa Maaha Mid Aan Hinidisihiisa Leeyahay Balse Waxaan Hindisihiisa Leeyahay U Hogaansanaanta, Hagaaga Uu Rabigeenu Inoogu Soo Dhiibay, Nebi Maxamed (Swm), Nebigeenuna, Naxariis Iyo Nabad Gelyo Kor Kiisa Ha Ahaate, Ina Soo Gaadhsiiyey, Inoona Dhameeyey.
Hagaagu Maaha Mid Lagaa Rabbo Inaad Naftaada Oo Keliya Ku Anfacdo, Maaha Mid Aad Adigu Oo Kaliya Ku Samaato, Waxaase Lagu Faray Oo Lagaa Rabaa, Hagaagaa Iyo Hanuunkaa Kusoo Gaadhay, Inaad Gudbiso, Oo Sidii Laguugu Soo Hogaamiyey Ee Laguugu Hagar-Baxay, Inaad Adna, Usii Hogaamiso, Dunida Marba Aad Joogtana Ku Hagto.
Aniga Hogaaminti Layga Rabay Ee Laygu Hubsaday, Hadaan Naftayda, Dhaafin Waayey, Oo Aan Hogaamintii Guudna Iska Hibbeeyey, Igmay Halaabine, Ee Aan Iska Hibbeeyeye, Oo Maanta, Dunidii Aan Hagi Lahaa, Laygu Hogaaminayo, Oo Lay Hillaadinayo, Hadba Halkay Talo Ka Horayso, Oo Aan Layli U Ahay, Nin Rarran Iyo Rugtii Darnayd Doortay, Oo Uu, Ila Rabbo Halkuu Isagu Raadsay, Oo Iga Reebbayo, Halkii Layla Rabay, Iyadoo Aniga Layga Rabbo, Inaan Uga Digo, Kuna Duwo, Dariiqa, Laynoo Dooray
…………..,,.,.,
Fadlan La Saco Qormooyinka Dambe
No comments:
Post a Comment
Thank you for your comment.